GONDAAL
Maansadan waxan kaga qayb galay tartan suugaaneed la odhan jiray GOBAAD oo ay qabatay akaademiyada nabada iyo horumarintu 26 june 2001-dii. tarantankan ooaan ku guulaystay kaalinta labaad,...
Maansadani waxay ka hadlaysaa nin inta uu gabadh caashaqay ay gabadhii ku gacan saydhay markii dambena aqbashay. Iyadoo ay sidaas tahay ayuu ninkii mar dambe ogaaday in...
Gabaygani wuxu soo baxay 15-09-2009-kii. waxay ka dab qaadanaysaa dareenkii shacbiga ee maalmahaa jiray. waxay ku fal-celinayaa xaalad siyaasadeed oo qallafsan, gar-ma-qaatanimo garka iyo hoggaanka jartay, guurti...
maansadan RASMI waxay guud ahaan la hadlaysaa hablaha soomaaliyeed, iyadoo talo ka bixinaysa habsami u noolaanshaha fiican iyo hab-dhaqanada ay tahay in lagu sugnaado. waxay sidoo kale...
27/sep/2007s Marka hibadu taaj xidhato ee timaha soo feedho Amay taaba-qaadaan marshaa tixaha qaarkoode
Mahadho march 2001 Marta dhigo xujooy Magli tumo cadloow Magan bixi xaqoow Miidh diid hankoow...
Gobaad Jiiftada gundheerta’a Uma dhicin gosheedii In dhawaydna geeraar Dareenkii gelbinayaa Gebi noo dhaxeeyoo Guntigiisa maan qaban Waxseen galabta heensaha Geenyada u duud sudhay
FOOLAAD Jiiftooy warmaha fiiq Baxdow fuul baroor fano Ha fadhiisan siigada Fikiroo kaskaa hadal Runta fahan karaankaa Fasiroo is weydii